Adeeggyada Kiliiniga
Hooyga > Adeeggyada Kiliiniga
© Copyright 2011 - West End Legal Services | Home | Contact Us | Privacy Policy | Site Map
WEST END LEGAL
SERVICES of OTTAWA
Serving Ottawa's west end since 1981
These Web Pages provide general information only and cannot be relied upon as legal advice. Laws change over time.
Applicability of the legal principles discussed may differ substantially in individual situations. You should seek legal assistance your particular situation.
1301 Richmond Road  Ottawa, ON   K2B 7Y4 - 613.596.1641
WELS is funded by
Legal Aid Ontario
CPP       Immigration       ODSP       Ontario Works/Welfare       Tenant Law       Workers' Compensation
FRANÇAIS
OUR OFFICE HOURS
8:30-12:00/1:00-4:30
8:30-12:00/1:00-4:30
8:30-12:00/1:00-4:30
8:30-12:00/closed
8:30-12:00/1:00-4:30
Mon
Tues
Wed
Thurs
Fri
The translation of this document
has been made possible by the
generous contribution of
CISOC.
Adeeggyada Sharciga ee Dhamaadka Galbeedka (“WELS”) waa goob sharci beeleed oo u adeegeysay dadka dhaqaalahoogu hooseeyo
ee ku nool dhamaadka galbeedka Ottawa,illaa 1981. Si aad wax badan uga barato taariikhdeena riix halkan.

Waxanu la shaqeynaa shakhsiyaadka, kooxaha iyo adeeg bixiya-yaasha si loo sameeyo in cadaaladda la wado helo.

Maxaanu qabanaa.
Talo-bixin sharci

Waxanu dadka dhaqaalahoogu hooseeyo ee soo buuxiya shuruudaha xaq u yeelashada u-fidinaa talo-bixin lacag la’aan ah.Waxanu ka
shaqeynaa meelahan sharciga ah ee soo socda:

  • Lacagta dadka waa weyn ee hawlgabka ah

  • Macmiil/arrimaha qandaraaska ka yar $10,000 (talo siin kaliya)

  • Laanta socdaalka

  • Mulkiilaha dhulka iyo xeerka kireystaha (Kireystayaasha oo kaliya)

  • Barnaamijka caawinta hawlgabka ee Onteerio (ODSP)

  • Onteerio Ha-shaqeyso/Daryeelka bulshada

  • Magdhawga shaqaalaha (WSIB)

Kama hawl-galno meelaha ah xeerka danbiga ama xeerka qoyska wixii caawima ah ee  arrimahaas ah waa in aad codsataa
shahaadada codsiga qareenka waa in aad qabsataa qareen gaar ah.

Haddii su’aashaadu tahay mid toos ah,waxanu kaa caawin karaa habka teleefonn-ka. Haddii ay tahay arrin xagga sharciga ah oo adag
waxanu ballan kaaga qabanaynaa qof shaqaalahayaga ka mid ah.

Waxa dheer in laguu fidiyo talo-bixin sharci, in shaqaalaheenu ay ku matali karaan maxkamadaha.Waxanu dadka magaciisa ku
hadalnaa meelo maxkamado gaar ah kuna jiraan:

  • Mulkiilaha guriga iyo Gudoonka kireystayaasha

  • Maxkamada u- gaarka ah Daryeelka Bulshada  (Ha-shaqeyso Onteerio iyo Hawlgabka (Ontario Works and ODSP )

  • Ammanka goobta shaqada,Gudoonka Caymiska ,Racfaanka Maxkamad gaar ah

  • Gudoonka u-garqaadida iyo garsoorida (rafcaanka caymiska shaqada).

  • Dib u eegista maxkamada gaarka ah,racfaanka Gudoonka lacagta hawl gabka ah (CPP-Disability ).

  • Gudoonka magdhawga dhaawaca danbiyada


Barashada sharciga Dad weynaha
Si aanu macaamiisheena uga wacyi galino xuquuqdooda sharci iyo waajibaadkooda,waxanu bixinaa aqoon korodhsi mawduucyo kala
duwan oo sharciga ah.Aqoon korodhsiga waxa lagu jaangooyay baahida qaarka ah ee kooxdaada waxa kale oon haynaa bugaag yar
yar oo kala gadisan oo lacag la’aan ah iyo macluumaad kale oo sharci ah ayaa laga heli karaa xafiiskeena.

Sannadka laba jeer ayaan daabacnaa
The Advocate, warsidaheena.Warsidahan afarta bog ah wuxu ka kooban yahay macluumaadka
meelaha aanu ka hawlgalo iyo sido kale waxa ku cusub qaanuunka.


Dib u habeynta qaanuunka
Dib u habeynta qaanuunkeenu waxay ka dhallatay arrimo lagu cadeeyey Fallanqeynta dacwadaha goobta iyo kuwa ay cadeeyeen
kuwa u shaqeeya goobta. Waxanu la shaqeynaa una shaqeynaa beesha si aanu isbedel ugu sameyno qaanuunka iyo siyaasadda
dawladda ee waxtarka u leh macaamiishayada iyo bulshada guud ahaan.

Waxanu qalqaalo qoraal iyo hadal ah u gudbinaa qeybaha kale ee dawladda si loo badelo qaanuunka dadka dhaqaalahoogu hooseeyo.
Waxa kale oon la kula naa waaxaha dawladda si loo horumariyo adeegga faqiirka iyo kooxaha Danyarta ah.


Gaadhista iyo horumarka Beesha
Waxanu caawinaa xoojinta shakhsiyaadka iyo kooxaha anagoo ka caawinaya aiyaarinta dhaqangallinta xuquuqdooda sharci.Tusaale
ahaan, waxanu ka caawin Koox guryo kireysata ama ijaarata inay sameystaan ururka kireystayaasha si  looga hadlo sameynta iyo
arrimaha kirada (ijaarka).

    
Wixii macluumaad dheeraad ah
  • Wixii macluumaad dheeraad ah ee la xidhiidha adeegyada- yada.
  • Si loo helo talo sharci.
  • Si ballan loo qabsado.
  • Si loo codsado qoraalo.
  • Si loo habeeyo qof shaqaalahayaga ka mid ah in uu la- hadlo kooxdaada.


La xidhiidh xafiiskeena 613-596-1641.Waxa lana heli karaa Isniinta illaa Jimacaha 8:30 am illaa 4:30 galabnimo .Ma shaqayno maalin
kasta 12:00  ka illaa 1:00 da  duhurnimo  qadada. Khamiista gallinka danbe ma qaabilo dad weynaha.